Codkaaga ayaa muhiim ah!

Waalidka iyo dadka ardayda masuulka ka ah: wada hadalkaaga iyo aragtidaada ku saabsan isticmaalka maandooriyaha dhalinyarada waa muhiim. Waxaan u isticmaali doonaa natiijada sahanka si aan ugu qorshayno barnaamijyada dugsiga ardaygaaga iyo bulshadaada si aan u ilaalino badqabka iyo caafimaadka ardayda.

Sahankan waxaa loogu talagalay waalidiinta iyo mas'uuliyiinta carruurta fasallada 6 ilaa 12 ee "Inver Grove Heights Public Schools". Haddii aad leedahay in ka badan hal ilmood oo ku jira fasalada la sahamiyey, fadlan ka jawaab dhammaan su'aalaha adiga oo ka fekeraya ubadka dhalashadiisa ugu dambaysay.
Haddii ay jiraan laba waalid ama mas'uul oo qoyskaaga ah, midkiin oo keliya ayaa u baahan inuu dhammaystiro sahankan.
Sahankan waa qarsoodi. Sahanku kuma waydiinayo magacaaga. Qofna ma ogaan doono haddii aad ka qayb qaadato. Qofna ma ogaan doono sidaad uga jawaabtay su'aalahan.

Sahankan waa ikht.iyaari Waad ka boodi kartaa su'aal kasta. Ma jiraan cawaaqib xun haddii aad go'aansato inaad ka gudubto sahanka.

Fadlan su'aal kasta si taxadar leh u akhri. Ma jiraan jawaabo sax ah ama khaldan.

Su'aalaha qaarkood waxay ku weydiiyaan ra'yigaaga ku saabsan waxa "Dhallinyarada INTOODA BADAN" ama "Waalidiinta kale intooda badan" ay qabtaan ama sameeyaan. Dooro jawaab kasta oo aad u malaynayso inay ugu dhowdahay runta.

Markaad dhammayso, dhagsii badhanka "La sameeyay" dhamaadka sahanka.

Waad ku mahadsan tahay waqtigaaga, caawintaada iyo daacadnimadaada!

T