• English
  • Español
  • Soomaali

Horudhac

Waad ku mahadsan tahay in aad ra’yigaaga ka dhiibaneyso sida aad jeceshahay in dib loogu dhiso dhismaha cusub ee Nicollet.

Sanadkii 2022, waxa ay Magaaladu idinka weydiisay su’aalo ku saabsan mashruuca.

Sanadkii 2023, waxa ay Magaaladu idin weydiisay su’aalo ku saabsan goobta gaadiidka la dhigto iyo wadada cusub ee Nicollet.

Sahanka waxaa wax la idinka weydiinayaa dhismaha iyo isticmaalka dhismayaasha gudahooda. Iyada oo laga duulayo ra’yi dhiibashadii hore iyo sahanka lagu sameeyey suuqa, Magaaladu waxa ay soo saartay fikradaha “suurogalka ah ee dhismaha.” Fikradaha suurogalka ah ee dib u dhiska waa midka ay soo jeediyeen shirkadaha dhismayaasha ee hawlaha dhismaha ku dhex jiray muddo aad u dheer. Fikradaas waxaa ka mid ah:
  • Qiyaastii 600-800 oo guryo la dego ah (apartments)
  • Dhismayaal ka kooban 4 ilaa 7 dabaq
  • ~50% guryo dadku awoodo oo lala barbardhigo guryo qiimaha suuqa lagu ijaaro
  • 100% guryo ijaar ah
  • Dukaamo laga furo isgoyska Lake & Nicollet
  • ~10,000 dhudhun oo isku wareeg ah goob xiran oo bulshada u adeegta
  • ~3,000 dhudhun oo isku wareeg ah goob xiran jardiinooyin iyo madadaalasho ah

Magaaladu waxa ay tixgelineysaa qodobo dheeraad ah ee “ujeedooyin” ka baxsan fikradda suurogalka ah. Qodobada “ujeedooyin”kaas waa kuwo u baahan gargaar dheeraad iyo dhaqaale laga helo dawladda.

Dhaqaalaha Magaaladu ee ay kaga qeyb qaadan karto barnaamijka ka baxsan fikradaha aasaasiga ah waa mid kooban. Ujeedada sahankan waa in la ogaado qodobada muhimadda koowaad u ah “ujeedooyin”ka. Waa in ay noqdaan kuwo u taagan baahida bulshada iyo sida ay u kala jecel yihiin. Marka aad su’aalaha ka jawaabeysaan, xusuusnaada “kuwo aad muhim u ah” ama “kuwo muhim ah” in ay ka dhigan tahay dhaqaale dheeraad ah oo dawladda laga codsado iyo in muddo dheer ay qaadato in la hirgeliyo mashruuca.

Question Title

Image

T