• English
  • Español
  • Français (Haïti)
  • Kabuverdianu
  • Português (Brasil)
  • Soomaali
  • Tiếng Việt
  • العربية
  • 中文

QAYBTA 1aad. Hordhac

Ra’yi-uruurintan ku saabsan caafimaadka bulshada waxaa taageera siiya Shaqo-iskaashatada Caafimaadka Bulshada Boston. Shaqo-iskaashatadu waa iskaashato ay ka mid yihiin isbitaalada wax lagu barto ee aan macaash doonka ahayn, xarumaha caafimaadka bulshada, caafimaadka dadweynaha, iyo saaxiibada kale ee ka tirsan bulshada magaalada Boston.


Hadafkeenu waa in aan fahanno baahiyaha caafimaad ee xubnaha bulshada ee aan u adeegno. Jawaabahaagu waxay naga caawin doonaan jaangoynta ahdaafta caafimaadka iyo maalgelinta dhaqaale si loo abuuro loona taageero barnaamijyo kor loogu qaadayo caafimaadka dadka ku dhaqan magaalada Boston. Fadlan dhammeystir buuxinta ra'yi ururintan ka hor Dicembar 15, 2024, si loo hubiyo in codkaaga la maqlo loona adeegsado qaabaynta caafimaadka magaalada Boston.


Ra’yi-uruurintan waa ikhtiyaari. Ma jiro macluuumaad qofka lagu aqoonsan karo oo la uruurin doono. Waxaynu filaynaa in ra’yi-uruurintan ay qaadan doonto 7 ilaa 10 daqiiqo si loo dhamaystiro. Dhammaadka ra’yi-uruurinta waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan sida aad uga qaybqaadan karto baqtiyaanasiib fursad loogu helayo in lagu guuleysto mid ka mid ah laba kaar oo ah kaararka hadiyadaha ee raashiinka lagu gato oo qiimahoodu yahay $100 amase jawi qaadasho deegaanka gudihiisa ah oo qoysaska ku habboon (sida kaararka lagu galo matxafyada iwm.).
Ra’yi-uruurintan waxaa loogu talagalay dadka ku dhaqan magaalada Boston ee da’doodu tahay 14 jir iyo ka weyn. Waad ku mahadsan tahay ka qaybqaadashada ra’yi-uruurintan iyo taageerida bulshadaada. Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan ra’yi-uruurintan ama aad u baahan tahay isagoo qaab kale ah, fadlan iimayl ku dir bostonchna@bphc.org.

Question Title

Logos of the organizational members of the Boston Community Health Collaborative; specifically, Mass General Brigham, Beth Israel Lahey Health, Boston Children's Hospital, Boston Medical Center, Dana Farber Cancer Institute, Madison Park Development Corporation, Fenway Health, Neighbor Health, Tufts Medical Center and Urban Edge
 
20% of survey complete.

T