Ontario Coalition for Children and Youth Mental Health (Isbahaysiga Caafimaadka Dhimirka ee Caruurta iyo Dhalinyarada Ontario) waa shabakad dhinacyo badan ka shaqaysa taasoo gobolka ay iska kaashadaan dhinacyada waxbarashada, caafimadaka dhimirka iyo qabatinka maandooriyaha, caafimaadka, caafimaadka bulshada, cadaaladda, bulshada iyo adeegyada bulshada, iyo cilmibaarista ayada oo la shaqaynaysa waalidiinta/daryeelbixiyeyaasha iyo dadka da’yarta ah. Xubnaheedu waxay wadaagaan hammi si ay u xaqiijiyaan in caruurta iyo qoysaska reer Ontario ay helaan caafimaadka dhimirka iyo kan badqabka ah ee ugu wanaagsan. waxay dhowr kooxood ka kaashataa diyaarinta agabyada iyo khayraadka looga gol-leeyahay balaarinta aqoonta ay caafimaadka dhimirka u leeyihiin waalidiinta/daryeelbixiyeyaashu. Xog aruurintaan dhexdeeda waxaan rajaynaynaa inaan ku barano waxyaabo badan oo ku saabsan qaybaha mowduucyada aad danaynayso iyo sida aad u doorbidayso inaad noola wadaagto macluumaadka ku saabsan caafimaadka dhimirka ee caruurta. Arintaani waxay naga caawin doontaa inaan abuurno adeegyo daboolaya baahiyahaaga, iyo inaan saaxiibadeenna guddiga dugsiga kala shaqayno sidii ay kuula wadaagi lahaayeen qaababka ugu wanaagsan ee laguugu caawin karo.
Fadlan ogsoonow in buuxinta xog aruurintaanu tahay mid ikhtiyaari ah jawaabahaaguna yihiin kuwo qarsoon. Kuma weydiin doonno magacaaga natiijooyinkuna xiriir lama yeelan doonaan jawaab bixiye gaar ah. Waxaan filaynaa in buuxinta xog aruurintaanu qaadanayso 15-20 daqiiqo.
Haddii aad qabto wax su’aalo ama tabashooyin ah oo ku saabsan xog aruurintan, ama aad u baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta xog aruurinta, fadlan la xiriir CoalitionSurvey@opsba.org. Waxaan doonaynaa in dhammaan caruurta iyo dadka yaryar ba ay ku bulaalaan dugsiga, guriga ama bulshada dhexdeeda waxaana ognahay in caafimaadkooda dhimirka iyo badqabkoodu ay muhiim u yihiin arintaas. Marka aad xog aruurintaan dhammaystirayso, waxaad caawinaysaa anaga, oo ah Isbahaysiga, si aan kuugu diyaarino adeegyada kugu haboon –waalidiinta/daryeelbixiyeyaasha Ontario.

Ka baro waxyaabo badan oo ku saabsan Ontario Coalition for Children and Youth.
Halkaan ka baro waxyaabo badan oo ku saabsan xirfadleyaasha caafimaadka dhimirka: Mental Health Professionals in Ontario (Xirfadleyaasha Caafimaadka Dhimirka ee Ontario)

Question Title

* 1. Waxaan aqbalayaa inaan buuxinaayo xog aruurintaan jawaabahaygana la kaydinayo lalana wadaagayo xubnaha Isbahaysiga si ay u fahmaan diyaarinta adeegyada la xiriira balaarinta aqoonta waalidka/daryeelbixiyuhu u leeyahay caafimaadka dhimirka ayaga oo ka helaya dugsiyada Ontario.

T