Foomka Diiwaan gelinta: Barnaamijka Baaritaanka Dalawandiga iyo Nuxaasta ee Boostada lagu soo diro ee Biyaha La Cabo ee X

Page 1

Waad ku mahadsan tahay daneyntaada baaritaanka bilaashka ah ee boostada lagu soo diro ee Washington Department of Health (Waaxda Caafimaadka Gobolka Washington) ee maarta iyo naxaasta kujira barnaamijka biyaha cabitaanka ee xarumaha xannaanada carruurta ee Washington.

Department of Health waxa ay maalgelin ka heshay Environmental Protection Agency (EPA, Hay'adda Ilaalinta Deegaanka) si ay tijaabo ugu sameyso Water Infrastructure Improvements for the Nation Act (WIIN, Horumarinada Kaabayaasha Biyaha ee Xeerka Qaranka). Haddii maar ama naxaas laga helo biyaha aad cabto, waxaan kaala shaqeyn doonaa sidii loo oggaan lahaa agabka lagu hagaajiyo.

Ka qaybgaleyaasha ayaa loo diri doonaa wax kasta oo ay u baahan yihiin si ay u uruuriyaan kadibna boostada ugu soo diraan sanballada biyaha si shaybaarkeenu u baaro. Waxaan KELIYA u baahan nahay inaan baarno baraha biyaha loo adeegsado cunto karinta, cabista, ama qasida caanaha ilmaha. Haddii aad diyaar u tahay baaritaanka aadna dooneyso in agabka sanbalka biyaha laguugu soo diro boostada, fadlan buuxi foomka hoose ee diiwaan gelinta. Kadib marka aad dirto foomka, shaqaalaha barnaamijka ayaa kula soo xiriiri doona si ay kuugu sheegaan talaabooyinka xiga sadexda maalmood ee shaqada ee xiga. Natiijooyinka baaritaanka ayaa qaadanaaya sadex asbuuc ku dhawaad marka shaybaarku helo sanbaladaada waxaana laguugu soo diri doonaa iimeylka. Natiijooyinka ayaa sidoo kale lasoo gelin doonaa webseedkaan asbuuc kasta.

Haddii aad ubaahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta foomkaan ama aad jeclaan lahayd macluumaad dheerad ah kahor inta aadan isu qorin tijaabada, fadlan nagala soo xiriir leadfreekids@doh.wa.gov ama 564-669-1098.

Xogta lagusoo aruuriyo xog aruurintaan ayaa loo shaacin karaa si waafaqsan xeerka Revised Code of Washington (RCW, Xeerka Washington ee Dib loo eegey) 42.56 (Public Records Act (Sharciga Diiwaannada Dadwaynaha)).
1.Macluumaadka Xiriirka:(Required.)
2.Magaca Early Learning Program Name (Barnaamijka Daryeelka iyo Waxbarashada Carruurta):(Required.)
3.Ciwaanka Xarunta Daryeelka Carruurta ee agabka loo diraayo: Waxaan alaabta ku soo dirnaa FedEx waxaana loo baahan yahay ciwaanka goobta:(Required.)
4.Xarunta daryeelka carruurta ama waxbarashada dhalaanku ma la xiriirtaa qabiil?
5.Waxaan tijaabada u raadsanayaa sababtoo ah:(Required.)
6.Waxaan haysanaa diiwaanka biyaha iyo tilmaamaha dirista sanballada oo lagu heli karo Ingiriis, Isbaanish, Soomaali, Jayniiska Dhaqanka iyo Jayniiska fudud. Waxaan u baahan nahay inaan balan ka qabsado turjumaan si tilmaamaha la iigu sharxo luuqad kale:
7.Barnaamijkaaga xannaanada carruurta ma u adeegaa carruurta jirta lix sano iyo kayar?
8.Barnaamijkaaga xannaanada carruurta ma helaa wax kabis ah?
9.Miyuu site aad hesho Head Start maalgelin?(Required.)
10.Tirada carruurta ee barnaamijkaaga xannaanada carruurta rukhsadda lagu siiyey inuu u adeego:(Required.)
11.Waxaan keliya u baahan nahay inaan baarno baraha biyaha loo adeegsado CUNTO KARINTA, CABISTA, AMA QASIDA CAANAHA ILMAHA. Meeqa tuubo ayaad u adeegsataa biyaha la cabo, cunto karinta, ama qasida caanaha ilmaha? Fadlan noo sheeg lambarka saxda ah si aan kuugu soo dirno tirada saxda ah ee dhalooyinka sanbalka.(Required.)