Check SCREEN READER MODE to make this survey compatible with screen readers.
Ka hortagga Dagaalka Qoyska Dhexdiisa ah Aftida Xiriirinta Beesha
Ka hortagga dagaal qoyska dhexdiisa ka dhacaa waa mid ka mid ah mudnaanaha koowaad ee dhanka caafimaadka ee Degmada Anoka (Anoka County). Sameynta aftidani waxa ay ka caawin doontaa hogaamiyeyaasha beeshu inay sameeyaan qorshayaal si fiican ugu adeega dadka la kulma dagaal qoyska dhexdiisa ah iyo ka hortagga dagaal qoyska dhexdiisa ka dhaca mustaqbalka. Waxa aan ka raadinaynaa talo dhamaan bulshada oo dhan, iyagu shakhiyan ha soo maro ama yuusan soo marin dagaal oo qoyska dhexdiisa ahi.
Aftidani waa ikhtiyaar, markii aad rabto ayaadna joojin kartaa aftidan sababtu si kastaba ha noqotee. Jawaab celintaada si qarsoodi ah ayaa loo hayn, cid lala wadaagi doonaana ma jirto. Natiijooyinka ka soo baxa dhamaan ka qaybgalayaasha ayaa la isku wada dari doonaa si loo darso. Aftidani waxa ay qaadan doontaa qadar 10 daqiiqo ah in lagu dhameeyo. Aftidan waxaa loogu talagalay dadka qaan gaarka ah ee jira 18 ka sanno ama ka weyn.
Afidani, dagaalka qoyska dhexdiisa ah, waxa ay u tixgelisaa wixii qaab joogta ah u dhaca oo ah ku tacadi dhinacyada caadifada, faraxumeynta, dhaqaalaha, ama jir ahaan oo uu isticmaalo qof horey ama iminka xiriir ula leh dhibanaha si uu awood iyo xoog ugu maquuniyo dhibanaha
Fadlan uga jawaab su’aalahan soo socda sida si ugu dhamayska tiran uguna saxsan adigoo kaashanaya aqoontaada iyo khibradaadda. Ma jiraan wax su’aalo ah oo sax ah ama khalad ah.